Madaxweyne xigeenka Turkiga oo ka jawaabay hadalkii Pelosi

Pelosi ayaa dhammaadkii toddobaadkii tegay booqatay Armenia, taasi oo lagu qeexay taageero aan horey loo arag oo Mareykanka uu u muujiyey Armenia oo dagaal sanado badan soo jiray uu kala dhaxeeyo Azerbaijan.

Pelosi,ayaa cambaaraysay Azerbiajan oo ay ku eedeysay inay “Armenia ku qaaday weeraro sharci-darro ah oo dhimasho keenay.”.

Madaxweyne ku-xigeenka Turkey Fuat Oktay ayaa ka jawaabay hadal kasoo yeeray afhayeenka Aqalka Wakiilada Mareykanka Nancy Pelosi oo ku saabsanaa dagaalka dhexmaray dalalka Armenia iyo Azerbaijan.

Fuat Oktay ayaa hadalladaas ku qeexay “kuwo dhinac u janjeera oo carqaladeynaya dadaallada diblomaasiyadda,” Wuxuuna sheegay inay yihiin kuwa aan la aqbali karin.

Oktay oo qoraal soo dhigay twitter ayaa sidoo kale Washington ugu baaqay inay kala caddeyso haddii hadallada Pelosi ay ka tarjumayaan mowqifka rasmiga ah ee Mareykanka.

Halkan ka daawo muuqaalka