Alshabaab ma waxay qorshaynayaan weerar ay kusoo qaadaan Puntland?

Waxaa jira warar xoog badan oo sheegaya in Xeebaha Xarardheere ay taagan yihiin Doonyo Maleeshiyada Alshabaab ay qorshaynayaan in ay kaga baxaan halkaas.

Deegaamada la tuhmayo in ay ku wajahan yihiin,waxaa ka mid ah Buuraha Bari ee Puntland.

Sidoo kale waxaa dhici karta in ay qorshaynayaan weerar ay ku qaadaan Xeebaha Mudug ee Puntland.

Dhanka Dhulka,waxaa jira Maleeshiyaad isku ekaysiinaya Dad Rakaab ah kuna soo dhuumanaya Gaadiidka ka gudbaya Gaalkacyo.

Dagaalka Macawisleyda ee ay Dowlada Fadaraalku la gashay Shabaab,waxuu meesha ka saaray qorshihii Amniga Qaranka.

Waxuu kaloo khatar Amni ku yahay Deegaanadii xasiloonaa,iyadoo argagixisadu ufirxanayso.

Jibril Qoobey.