Abaabulka Macawisleydu ma qorshe cusub oo fashilin Fadaraalbaa?

Hadafka Madaxweyne Xasan ka leeyahay dib ukicinta Qabyaalada waa fashilin Fadaraal oo cusub.

Waa dib u abuuris hogaamiye kooxeedyo Beeleed.

Maxaa diidaya in la adeegsado oo la abaabulo lana siiyo Qalab iyo Saad Ciidamada Maamulada?

Maxaa sababi kara Beelaha toos loo magac dhabayo in Maamulada ay dhisteen loogu yeero?

Halka laga leeyahay Beesha Xawaadle Macawisleydeeda,ayaa Shabaab la dagaashay?, miyaan loo badali karin ama aysanba ahayn in la yiraahdo DG Hir-shabelle Ciidankiisa,ayaa guulo ka gaaray la dagaalanka argagixisada?

Ujeedku saw uma muuqanayo in la rabo dib unoqosho iyo fashilin nidaamyadii dhismay?

Saw loo fududayn mahayo Dowladaha aan rabin dib usoo kabashada Somaliya hogaamiye kooxeedyo cusub oo ay la shaqaystaan?

Maxaa diiday in qorshihii Amniga Qaranka lagu hawlgalo?

Maxaa diiday in Dhaqaalaha iyo Saanada la heli karo ama caalamku ku deeqayo loo isticmaalo si maangal ah oo ka sareeya hab Qabiil?

67-jir kii haystay Shahaadada ugu saraysa Aqoonta kuna jira mudo xileedkiisii Labaad ee Madaxweyne miyaa saakay horkacaya oo ku dhawaaqaya Beel Hebel ha guulaysato?

Xaqiiqdii masraxyada caalamka markalaan ku ceebownay oo Diblomaasiyiintu la yaaban yihiin sida Somalidu uga hoosayso nidaamka uguna nugul yihiin Habka Qabaliga..!!

Jibril Qoobey.