Dowlada Imaaraadka Carabta oo badashay Safiirkeedii Somaliya

Dowladda Imaaraadka Carabta,ayaa safiir cusub u soo magacawday Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Imaaraadka ee loo yaqaano WAM.

Ahmad Juma Al Rumaithi, oo bedeli doona Mohamed Ahmed Al-Othman, ayaa lagu hor dhaariyay Madaxweyne Sheikh Mohamed bin Zayed Al Nahyan.

Al Rumaithi waxa uu ka mid yahay tiro safiirro cusub oo Imaaraadka ah oo loo magacaabay Wadamo saaxiib dhow la ah.

Somaliya iyo Imaaraadka,ayaa xiriirkoodii dib usoo kabtay tan iyo markii la doortay Madaxweyne Xasan Shiikh oo la fahansanaa in uu taageero kaga helay hanashada Kursiga Villa Somaliya Dowlada Imaaraadka.

Madaxweynihii hore ee Somaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,ayaa ka fogas Imaaraadka jaalna la ahaa Dalka Qatar,isagoo khilaafkii Khaliijka garab siiyay Qatar.

Sida hada muuqata Dowlada Imaaraadku waxay Gacanta ku dhigtay Siyaasada Somaliya laga soo bilaabo Villa Somaliya ilaa PL,SL iyo JL.