Jubaland oo la timid qorshe la dagaalan argagixiso oo ka sareeya kan Fadaraalka

Jubaland waxay dhistay Gudiyo Dowladeed oo wajaha dagaalka Alshabaab.

Gudiyada Jubaland waxay ka sareeyaan sida layskugu dhafay loona diyaariyay kuwa Xukuumada Fadaraalku Maanta sii dayssy.

Gudiyada Jubaland dhistay,ayaa kala ah.

  1. Guddiga Hogaaminta Qorshaha Howlgalka midaysan ee la dagaalanka Argagixisada & Horumarinta Amniga Deegaanada Jubaland.
  2. Guddiga Taakuleynta & Gurmadka ee Qorshaha Howlgalka midaysan ee la dagaalanka Argagixisada & Horumarinta Amniga Deegaanada Jubaland.
  3. Guddiga Abaabulka & Wacyigalinta Qorshaha Howlgalka midaysan ee la dagaalanka Argagixisada & Horumarinta Amniga Deegaanada Jubaland.

Guddiyadan waxaa ay ka kooban yihiin laamaha kala duwan ee Dowlada iyo bulshada qeybaheeda kala duwan kuwaas oo sida ugu dhakhsiyaha badan u howlgalaya.

Qorshe Macawisley iyo Maleeshiyo Beeleed la abaabulo Dowladnimaday ceeb ku tahay.