Dhalinyaro lagu xiray Jig-jiga iyo Kacdoonkii Oo cirka isku sii shareeray

Saakay waxaa la xiray Dhalinyaradii Beesha Jidwaaq ee taageertay go’aankii lagu diidanaa Mustafe eeTodobaadkii hore ay soo saareen Odoyaasha Jidwaaq.

Kacdoonka Bulshada Deegaanka ee looga soo horjeedo hogaaminta Mustafe,waa sii laba kaclaynayaa,waxaana Maanta kusoo biiray Beesha Wayteen Absame.

Odoyaal ku qabtay Shir Magaalada Jig-jiga oo kasoo jeeda Wayteen,ayaa sheegay in ay saluugsan yihiin Saami qaybsiga oo ay ku dulman yihiin Maamulka Deegaanka iyo kan Jig-jiga.

Waxaan oo dhan waxay dhacayaan,iyadoo uu socdo qabanqaabada Shirka Wadatashiga ee Mustafe ku dhawaaqay.

Jibril Qoobey.