MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY AGAASIMAHA HAY’ADDA NABAD-SUGIDDA IYO SIRDOONKA DOWLADDA PUNTLAND (PISA)

Garoowe: 23 September 2022: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 61 ee 23-da Sibteembar 2022 kuna saabsan magacaabid Agaasimaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Dawladda Puntland (PISA).

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Baahida loo qabo horumarinta iyo dib u habaynta hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Dowlada Puntland (PISA).

Markuu arkay: Aqoontiisa, kartidisa iyo waayo-aragnimadiisa shaqo.

Wuxuu xeeriyey:

  1. Waxaa S/guuto Jamaal Carab Yuusuf loo magacaabay Agaasimaha Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Dawladda Puntland (PISA).
  2. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.