Waa kuma Wasiirka Qorshaynta cusub Ee Puntland?

WAA KUMA WASIIRKA QORSHEYNTA PUNTLAND Dr Mohamed Siciid Faroole oo ah Aqoonyahan aqoontiisu aad u sareyso wuxuu Afar shahaado oo caalami ah ka haystaa waxbarashada heerka 1aad iyo heerka 2aad.

WAXBARASHADA

1.Heerka kowaad (Becholar Medical Sceince) wuxuu ka qaatay sanadkii 1996-1999 Jaamacada La Trobe University Melbourne Australia.

2.Heerka labaad waxbarashada Jaamacadda (Master of Public Health) caafimaadka cuddurada guud wuxuu ka qaatay Jaamacadda Monash University Melbourne Australia sanadkii 2001-2003.

3.Wuxuu kaloo ka haystaa heerka labaad waxbarashada cilmiga horumarinta caalamiga (Master of International and Community Development) oo uu ku diyaariyay Jaamacada Deakin University of Australia.

4.Wuxuu haystaa Diploma of Public health oo uu ka qaatey isla jaamacada Monash University sanadkii 2000.

Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dowladda Puntland 20-kii sano ee u dambeeyay xagga shaqada wuxuu kazoo shaqeeyay arrimaha horumarinta iyo bini’aadamtinimada,wuxuuna La taliye sare kazoo noqday Wasaaradaha Qorsheynta,Caafimaadka,Xanaanada Xoolaha,Hay’adda UNDP,World Bank,FOA iyo Ururo kale oo heer caalami ah.

Sanadkii 2005-tii wuxuu ka mid ahaa Aqoonyahankii dejiyay Qorshihii lagu magacaabi jiray horumarinta shanta shano (5 Year Plan) oo furre u ahaa inay mashaariic waaweyn Dowladda Puntland ka hesho Hay’addaha caalamiga iyo Dowladdaha Caalamka.

Sidoo kale Dr Maxamed Siciid Faroole wuxuu xubin firfircoon oo heer Soomaaliya kazoo noqday Afar guddi oo kala ah.
1.Somalia Humanitrian Country Fund 2015
2.Health advisory board and (HAB) and heath sector Committee.
3.Food security cluster strategy group 2013.
4.CHF advisory board member 2011-2014.

Sanadkii 2010 wuxuu Asaasay Hay’adda KISIMA International oo iminka u adeegta Dadka Reer Jubbaland islamarkaana mashaariic ka fulisay Gobollada Jubbadda hoose,Jubbada Dhexe, Nugaal, Karkaar, Gardafuu iyo Gobolka Bari.

Dr Mohamed Siciid wuxuu ka mid ahaa Asaasayaashii ugu horreeeyay Jaamacadda PSU Puntland State University iyo Ururo samafal ah oo dalka ka shaqo bilaabay laga soo bilaabo 1992 illaa 2022.