Banaanbaxyadii Iran oo sii laba kacleeyay iskuna badalay Kacdoon

Mudaharaadyada Dowladda looga soo horjeedo,ayaa kusii fidiya guud ahaan Dalka Iran,waxuuna hada gaaray Magaalada Oshnavieh oo ku taalla Xadka Dalka Ciraaq.

Mas’uuliyiinti Dowladda Iran oo halkaasi ku sugnaa,ayaa iskaga cararay magaalada,isla markaana Ciidamada ammaanku dib ayay ugurteen.

Boolisku waxay sheegeen tani iyo marki ay billowdeen dibadbaxyada rabshadaha wata ee ka socda dalka Iran ay xireen dad gaaraya 700 oo qof oo 60 haween ah ay ku jiraan.

Dibadbaxyada rabshadaha wata oo ka soconaya dalka Iran,ayaa ka dhashay Haweeney gacanta Booliska ku jirtay oo dhimatay.

Warbaahinta Dowladda Iran waxay sheegtay in ay 35-Qof ay ku dhinteen dibadbaxyada muddo ka badan toddobaad ka soconaya dalka Iran