Doorashada Madaxweyne Ee Somaliland oo dib udhacaysa

Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga Waddani Maxamuud Aadan Jaamac,ayaa sheegay ine ay soo dhaweeynayaan go’aanka Guddiga ee ah 9-bilood kaddib in doorashada la qabto go’aankaasina labada Xisbi ee mucaaradka ay ka mideysan yihiin.

“Guddoomiyaha Xisbiga UCID qudhiisa warsaxaafadeed buu sii daayey oo wuu soo dhaweynayaa isaga qudhiisu, isaga oo nala qaba in doorashadi 13-ka November dhici lahayd laakiin madaxweynuhu arrintaa geed hoose iyo geed saraba u koray si uu ubaajiyo doorashadaasi iney wajhtigeeda dhacdo. Isku mowqif baanu nahay iskumeel baanu ka wada taagannahay iminkana haddii la yiri doorashadi June baa la qabanayaa diyaar baanu u nahay” ayuu yiri Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga Waddani.

Doorashadda Somaliland,ayaa mudooyinkii dambe waxaa ka taagnaa khilaaf u dhexeeya Xisbiyada mucaaradka iyo Xisbiga talada haya.

Guddiga Doorashooyinka Somaliland,ayaa shaaciyay in aysan doorashada Madaxweynaha qaban karin bisha November ee Sanadkan una baahan yahiin 9-bilood oo ka billaabata bisha soo socota.