Faallo”Barnaamijka 1Qof iyo 1Cod Ee Puntland ma’ahan Siyaasad Eee waa Masiiri.!!

Barnaamijka 1Q iyo 1C ma’ahan Siyaasad ee waa Masiiri.

Hadiise laga dhex raadiyo Siyaasad waxaa ka imaanaya khataro ay ka faa’idaysan karaan cadowyada Gudaha iyo Dibada.

Laba Qodob,ayay lagama maarmaan inoogu tahay in la hirgeliyo Barnaamijkan,kuwaasoo kala ah…

1.Doorkeena Curadnimo ee Somaliya ilaalintiisa.

2.kala saarida Qabiilka iyo Siyaasada.

Dadku Boqolkiiba Sagaashan waa rabaan Barnaamijka Dimuqraadiyaynta.

Ilaa Oktoobar Sanadka danbe,ayaan haysanaa si aan uhirgelino Barnaamijkan.

Madaxweyne Deni waa furaha guusha iyo guuldarada xiligan ee Puntland.

Shalay koox baa jidgooyo ka dhex samaysatay isaga iyo Bulshada.

Maanta haduu iska hor wareejiyay waa wax lagu farxo,balse hadii koox kale samaysmato waa jug-jug meeshaada joog.

Barnaamijka Dimuqraadiyadu waa fashilmayaa Oktoobarna,waxaa laysla gaarayaa,iyadoo aan waxba noo diyaarsanayn,waxaana markaas imaan kara fursado cadowyada dibada iyo guduhu ka faa’idaysan karaan.

Xalku muxuu yahay?

Xalku waxa uu Gacantiisa ku jiraa Madaxweyne Deni oo laga rabaa in uu ku dhaqaaqo hal arin oo ah…

B.In uu Umadda hor yimaado una cadeeyo in Sanadka haray uu hirgelinayo Doorashada Golayaasha Deegaanka haday dhamaystiranto iyo hadii kalaba in 8-Jan la Aadayo Doorashadii Madaxweynaha.

Deni,waxaa kaloo laga rabaa in uu si dhab ah ufuro Albaabadiisa oo Bulshada qaybaheeda kala duwan dhagaysto aragtidooda.

Dardaaran”

Madaxweyne Deni yuusan ismoodsiin in Juxaa iyo Dhabancad ay yihiin kuwii ku filnaa wax walba.

Ha xasuusnaado jidgooyada taala Banaanka Gaalkacyo in ay utaalo Wiilal ay Sadex kala tirsadaan Dhabancad oo uu ku filnaan waayay xigsashadooda.

Sidoo kale Juxaa waa Nin aan saamayn ku lahayn Odoyaasha iyo Saraakiisha Ciidan ee Beeshiisa.

Madaxweyne koox ka awood yar tii horay kuugu dhigatay jidgooyada Maanta ha siin fursad ay jidgooyo gibin ah kaaga ag samaystaan.

Ogow waxii Puntland ka xumaada adaa masuul ka ah ee Dhabancad iyo Juxaa kama noqon doonaan sida Xasan Shire uu caawa beri uga yahay dagaalkii yax-yaxa ahaa ee Bosaso.

Jibril Qoobey.