Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Xerada Ciidamada Ee Jen.Dhagabadan

Qarax is-miidaamin ah,ayaa maanta ka dhacay bannaanka xerada Ciidamada Jeneral Dhagabadan ee Degmada Wadajir una dhow Warshaddii hore ee Nacnaca ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxan is-miidaaminta ah,ayaa waxaa ku dhintay ilaa 15 qof, in ka badan 10 kalena way ku dhaawacmeen.

Dolwadda Fadaraalka Somaliya ayaan ilaa hadda xaqiijin tirada Dadka ku waxyeelloobay weerarkan.

Ururka Al-Shababa,ayaa durbaba sheegtay mas’uuliyadda weerarkan.