Saraakiil gadoodsan oo qorshaynaysa in ay Somaliland Badhan soo geliyaan

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Puntland ee Gobolka Sanaag,ayaa si hoose ula shiray Taliska Ciidamada Somaliland.

3-kamid ah Saraakiisha Daraawiishta Sanaag oo ay ka mid yihiin Guray iyo Dabageed oo wata Askar,ayaa xalay Dooxa Carmale kula kulmay Saraakiil ka socotay Somaliland.

Ujeedka kulanku waa in Badhan lasoo geliyo Somaliland oo la keeno Ciidan gaaraya ilaa 500-Askari.

Saraakiisha la kulantay kuwa Somaliland ee ka tirsan Daraawiishta Puntland waa kuwo gadoodsan oo Anshax xumo iyo isku dhac iyaga iyo Booliska ah lagaga joojiyay Mushahaarkii.

Waxaa jira xiriir ka dhaxeeya Somaliland iyo Aaran-jaan,waxaana Khatartu tahay inta kicinka Siyaasadeed ka jiro Garowe in Ciidanka Somaliland Badhan qabsadaan.

Kal Gubataale oo udhow Hadaaftimo,waxaa fadhiya Ciidan yar oo Daraawiishta Puntland ah.

Badhan waxay ka mid tahay Magaalooyinka uqorshaysan in ugu danbayn December lagu qabto Doorashada Golayaasha Deegaanka.

Jibril Qoobey.