Ruto” Lama joogo xiligii Somaliya aan kala murmi lahayn Xadka Badda”

Ruto markii xilka loo caleema-saaray ay wada kulmeen Xasan Shiikh Maxamuud,ayaa sheegay in arrimaha loo kala xallin doono sida ay u kala horreeyaan.

”Hadda Somaliya waxa ay leedahay Madaxweyne aan la hadli karno. Madaxweyne waxa uu diyaar noola yahay inaan howlaha u qabanno sida ay u kala horreeyaan, waxaan ku faraxsan nahay inuu xoogga saarayo la dagaallanka argagixisada, adduunka oo dhan – oo ay Kenya ku jirtana – wuxuu kala shaqeynayaa sidii uu u burburin lahaa xagjirnimada qalalaasaha wadata iyo argagixisada,”Ayuu yiri Ruto.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sharraxay waxa uga qorsheysan muranka xadka Badda ee Somaliya iyo Kenya, waxa uuna yiri..

”Muranku waa arrin ay dalalka deriska ah mar walba xallin karaan. Waxa aan hadda u baahan nahay waa inaan xasilinno oo aan amni ka dhigno Gobolkeenna.”

Madaxweyne Ruto,ayaa sheegay in xilligan aan la joogin wakhti ku habboon ka hadalka muranka xadka.

”Ma rabo inaan ka howl-galno muran ku saabsan xadka iyadoo ay dad dhimanayaan, iyadoo ay argagixiso meelaha joogaan, iyadoo xasilooni darro ay ka jirto Gobolkeenna”.

”Waxay ila tahay inaan marka hore xal u helno arrimaha amniga, kaddibna waxaan xallin karnaa murankeenna xadka,”Ayuu yiri Ruto

Waxa uu u muuqday in uu rajo ka qabo dowladda cusub ee Soomaaliya, inkastoo uu ka gaabsaday inuu ka jawaabo su’aal laga weydiiyay sababta ay mowduucan ugala hadli waayeen madaxweynihii hore ee Somaliya.

Sida Ruto uhadlay waxay umuuqataa maangal waaqici iyo aragti dheer ku salaysan.

Dad badan,ayaa soo dhaweeyay una arka Ruto in uu muujiyay aragti hogaamineed oo fog.

Somaliya iyo Kenya waa deris ay Labada Bulsho aad isku dhexgaleen waxaana ka badan waxa ay ku kala duwan yihiin waxa ay ka midaysan yihiin.