Booqashadiisa Adis waxaa ka macno badnaan lahayd xiligan mid uu ugu tago Macawisleyda !!

Booqashadiisa Adis,waxaa ka macno badnaan lahayd xiligan mid uu ku gaaro Hiiraan iyo Macawisleyda.

Maleeshiyaadkaas la diriraya argagixisada in uu utago waxay unoqon lahayd sawir qurxoon oo uu gadan karo Madaxweyne Xasan.

Hadiiba la adeegsanayo Maleeshiyo Beeleed oo la awoodi waayay in Qorshe Qaran 6-bilood gudahood lagu keeno saw ma mudna in iyaga la dhiirigeliyo?

Dadka difaacaya adeegsiga hab Beeleedka ee lagula dirirayo argagixisada,waxay ku doodayaan…

“Meeshan Maamulo iyo Dowlad Dhexe midna kama jiraan waxii lasoo unkay ilaa Cartana Farmaajaa burburiyay ee ugu yaraan Qabiiladii hubaysnaa hasoo noqdaan oo argagixisadan balada ah meesha haka baxdo”.

Waaqicigu waxuu ku tusayaa in Koonfurta iyo Bartamaha Dalka ugu yaraan 20-sano ay kaga danbeeyaan nidaamka iyo fahamkiisa PL iyo SL waxa ka jirana Dowlado laguma tilmaami karo xataa Dowlada Fadaraalka.

14-cisho oo uu ku maqnaa safaro hadana,waxuu dib ubilaabay Lug kale oo socdaal ah oo ka bilaabata Itoobiya sii mari doonta Qatar kuna soo idlaan doonta Sacuudiga sida wararku sheegayaan.

Su’aalahaTodobaadkan lays waydiin karo,waxaa ka mid ah…

“Dowladu ma Xasan kaliyaa??.

Jibril Qoobey.