Mileteriga Maraykanka oo qirtay in ay waxyeeleeyeen Shacab Somaliya

Milliteriga Maraykanka,ayaa qirtay inay 1-dii Janaayo ay ku dhaawaceen Saddex Qof oo rayid ah dukheyn ay ka geysteen Somaliya, gaar ahaan Kuunyo Barrow.

Hay’adaha aan dowliga aheyn ayaa si joogto ah u daabaca qiimaynno aad u sarreeya oo dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay duqaymaha Maraykanka ee aagagga colaadaha.

Xoghayaha Difaaca Mareykanka Lloyd Austin ayaa ku boorriyay militariga inay sameeyaan isbedel ay uga fogaadaan waxyeellada dadka rayidka kasoo gaarta weerarada cirka, kadib markii dhowr khalad oo dhimasho ah ay waxyeelleeyeen sumcadda millatariga.

“Ilaalinta dadka rayidka ah waa istaraatijiyad iyo damiir lagama maarmaan ah,” ayuu Austin ku xusay qoraal ku socday taliska ciidamada Mareykanka.