Wax badan ka ogow Wasaarada awooda badan Ee Gaashaandhiga Kenya?

Wasaaradda gaashaandhigga Kenya waxa ay maamushaa militeriga ama Ciidanka Difaaca Qaranka, waxaana mas’uulka ugu sarreeya ka ah Madaxweynaha.

William Ruto, oo hadda ah madaxweynaha Kenya ayaa sidoo kale haya xilka taliyaha guud ee Ciidanka Difaaca Kenya.

Mas’uulka labaad ee ugu sarreeya waa wasiirka gaashaandhigga, oo shalay loo magacaabay Aadan Barre Ducaale.

Waa mid ka mid ah wasaaradaha ugu awoodda badan golaha wasiirrada Kenya, waxa ayna ku jirtaa wasaaradaha loo qoondeeyo dhaqaalaha ugu badan ee miisaaniyadda sannadlaha ah ee qaranka.

Sanadkan 2022-ka waxay wasaaraddan miisaaniyadda qaranka ka heshay lacag dhan 1,186,080,000 oo doollar (waa lacag ka badan hal bilyan iyo boqol iyo siddeetan milyan oo doollar), sida ay xogta sanadlaha ah ku xustay Majalladda Global Fire Power, oo wax ka qorta arrimaha gaashaandhigga caalamka.

Tirada militeriga Kenya ee wasaaraddan ay maamusho waa 29,000 oo askari oo si joogto ah u howlgala. Tiradaas waa 0.1% oo ka mid ah shacabka Kenya oo ka badan 54.6 milyan oo qof, sida ay xustay Majalladda.

Liiska dalalka ugu awoodda badan caalamka oo ka kooban 142 waddan, Kenya waxay uga jirtaa kaalinta 81-aad. Kenya waxay kaalinta 12-aad uga jirtaa liiska kala horreynta awoodaha ee dalalka Afrika.

Ciidanka Kenya ee hoostaga wasaaraddan ayaa qeyb ka ah Militeriga ATMIS ee ka howlgala Somaliya, kuwaasoo dhaqaalahooda uu toos u soo maro ururka Midowga Afrika.