Roobkii Dayrta oo ka curtay Gobolada Puntland

Oddoroska Roobabka Satimaanka 28 September – 04 October 2022

🌧️ Roobabkii Deyrta ayaa ka curatay satimankii lasoo dhaafay qaybo kamid ah gobolada Puntland gaar ahaan gobolada Sanaag, Karkaar iyo Nugaal.

🌧️ filashada roobabka ee satimaankaan qaybo kamid ah Puntland ayaa ah mid saraysa, gaar ahaan gobolada Mudug, Cayn, Nugaal, Sool, Sanaag, iyo Karkaar.

🌧️ Qiyaasta roobabka lafilayo ayaa udhaxayn kara (20 – 50) mm halka degmada Taleex, Xudun iyo Dhulka dhoodidda ah ee udhexeeya Nugaal iyo Sool laga yaabo inuu gaaro (250mm) sida ka muu qata Khariidadda saadaasha Roobka, sababi karana daaddan iyo isu socodka oo hakad gala.

📌 Dhamaan dadka kudhaqan Degmada Tallex iyo dhulka dhoodida ah waxaa lala socod siinayaa inay taxadar dheeriya muujiyaan maalmaha (29 iyo 30 september).

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warfaafinta Xarunta Maareynta Xogaha Biyaha iyo Dhulka Puntland
E-mail: info@imcpuntland.so
Facebook: https://www.facebook.com/imcpuntland/
Twitter: https://twitter.com/imc_puntland

imcpuntland