Xasan Shiikh iyo Abiy Axmed oo kulmay

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Somaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo booqasha rasmi ah ku maraya dalka Itoobiya,ayaa wadahadal la yeeshay Raysalwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

War ka soo baxay Xaafiiska raysalwasaaraha Itoobiya,ayaa lagu yiri…

“In ay ka go’an tahay sidi loo xoojin lahaa xiriirka Labada Dal,iyaga oo si gaar ah diiradda u saaray xasillonida geeska Afrika oo ay iska kaashadaan Labada Dal muhiimadda ay u leedahay, ” ayaa lagu yiri war ka soo baxay Xafiiska raysalwasaaraha Itoobiya.

Sidoo kale Cabdulqaadir Cali Dige Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Somaliya,ayaa sheegay..

“Raysal wasaaraha Itoobiya iyo Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud waxyaabaha ay ka wada hadleen waxaa waaye sida xiriirka Labada Dal ee Somaliya iyo Itoobiya ee dariska ah ee Walaaltinimada ku dhisan loo sii xoojin lahaa Labada Dowladoodna ay isaga kaashan lahaayeen waxyaabaha iyaga saameynta ku leh,”.

Booqashada Madaxweyne Xasan Addis Ababa ku tagay oo ahayd mid in badan la sugayey madaxweynuhuna wuu sheegay qorshaha inuu ugu jiray inuu Itoobiya booqdo balse sababa kala duwan awgood ay ugu suuragelin.