Dekeda Garacad oo si rasmi ah Xariga looga jarayo Bishan Bartankeeda

Bishan 10-aad ee Maanta 1-da ah,ayaa si rasmi ah xariga looga jarayaa Labada Janbi A&B ee Dekeda Garacad.

1.Jambiga A balaciisa Markabku istaagi karo,waa 157-Mitir,waana la dhamaystiray.

2.Jambiga B Balaciisa Markabku istaagi karo waa 120-Mitir,waana la dhamaystiray.

Dhererka Dekeda ee gunta hoose Badda qaybta ugu saraysa waa 15.5-Mitir.

Dhererka Dekeda ee gunta hoose Badda qaybta ugu hoosaysa ,waa 10.25-Mitir.

Baakinka banaanka ee Gawaarida la dhigayo waa Midig iyo Bidix,waana la diyaariyay.

Balaca Baakinada Gawaarida la dhigayo ee Dekeda,waa…..

LHS = 28,400 sq.m
RHS = 12,700 sq.m

Wadada isku xiraysa Dekeda Garacad iyo Xuduuda Tuurdibi waa 300-km,waxaana ku baxaya 206-Milyan oo dolar.

Wajigii koobaad ee qiimaynta,ayaa soo dhamaaday,waxaana ku baxay 1-Milyan oo Dolar.

Qalab ugaar ah oo garaacaya kana dhigaya Wado Jay ah siman oo balaceedu yahay 7 ilaa 10-Mitir,ayaa loo keenay,waxaana loo qaatay Shaqaalihii ka shaqayn lahaa.

Lacagta Dekeda dhismaheeda loo diyaariyay,waa 325-Milyan oo dolar,waxaana hada Lacagtaas laga isticmaalay ku dhawaad 100-Milyan oo dolar.

Ilaa iyo hada Lacagta ku baxday Dekeda Garacad wax Deyn ah laguma leh (LOAN) oo waa Cadaan Ganacsatadu la baxday.

Halkan ka daawo muuqaalka