Maxay ku salaysnaayeen wadahadalada Xasan Shiikh iyo Abiy dhexmaray?

Wadahadalada Xasan Shiikh iyo Abiy dhexmaray waxay ku saleysnaayeen….

  1. Soo celinta xiriirka diblomaasiyaddda
  2. Daaweynta tuhumadii Labada dhinac

Waxaa muuqata in Itoobiya iyo Somaliya labaduba doonayaan xasilooni siyaasadeed maadaama ay ku guda jiraan Dagaalo ba’an oo ka jira gudaha Labada Dowladood.

Itoobiya waxay ka eed sheegatay xiriirka Masar iyo ragga ku xiran sida Mahad Salaad iyo Faarax Cabdiqaadir.

Madaxweyne Xasan Shiikh,ayaa balan qaaday inuu raggas masuuliyadooda qaadi doono.

Dhinaca kale, Somaliya,ayaa ka codsatay Itoobiya taageero ku aadan la dagaalanka Alshabaab iyo soo celinta Ciidanka ku sugan Dalka Eritrea.

Warar lagu kalsoon yahay,ayaa sheegaya in Mareykanku qeyb ka ahaa kulanka Labada dhinac.

Jibril Qoobey.