Ciidamada Cirka Turkiga oo dilay Daraasiin Dagaalyahanada PKK

Wasaaradda difaaca Turkiga,ayaa sheegtay in ay dukhayn dhinaca cirka ah ku dishay illaa 23 dagaalyahan oo ka tirsan kooxaha Kurdiyiinta, ka dib markii ay hawlgal dhinaca cirka ah ka fuliyeen gudaha dalka Ciraaq.

Wasaaradda,ayaa sheegtay in hawlgalkani uu ka dhacay Gobolka Asos ee ku yaalla dhinaca Woqooyi ee dalka Ciraaq, kaas oo xuduudda dalka Turkiga u jira illaa 140 KM.

Gobolkan waxaa maamula, dawlad goboleedka Kurdistan.

Hulusi Akar, Wasiirka difaaca ee Turkiga,ayaa sheegay in weeraradan dhinaca cirka ah in lala bartilmaameedsaday illaa 16 goobood oo ku yaalla Gobolka Asos ee dalka Ciraaq.

Turkiga,ayaa dukhaymo ka fulinayey dhinaca woqooyi ee dalka Ciraaq tan iyo sannadkii 2019, iyaga oo sheegayey inay bartilmaameedsanayaan kooxda PKK, si ay uga hortagaan weeraro ay kooxdaasi ka fuliso gudaha dalka Turkiga.

Kooxda PKK ayaa weeraro kala duwan ku haysay dalka Turkiga, tan iyo sannadkii 1984-kii, waxaana rabshadahaas ku dhintaan tobanaan kun oo qof. Turkiga, Maraykanka iyo Midawga Yurub ayaa ururkan u aqoonsaday inuu yahay urur argagixiso.

Associated Press