Faahfaahin Qaraxii ka dhacay Beledweyne saakay

Faahfaahin,ayaa kasoo baxeysa qaraxii saaka ka dhacay Beledweyne.

Dadka ku dhintay qaraxyada Beledweyne,waxaa kamid a Wasiirka caafimaadka ee maamulka Hirshabeelle Sakariye Maxamed Axmed iyo Gudoomiye kuxigeenka maaliyadda maamulka Gobolka Hiiraan Abuukar Cadillaahi Maadey.

Balse Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan waa ka badbaaday qaraxyada ka dhacay Beledweyne.

Tirada dhimashada ee ilaa iyo hada la xaqiijiyay,ayaa kor dhaafaysa 10-Qof.