Faransiiska oo lagu dhaliilay in uusan garab istaagii loo baahnaa siin Ukrain

Haddii Faransiisku uu doonayo inuu Yurub ku hoggaamiyo isku tiirsanaan dhanka milateriga ah, maxaa keenay inay yaraato kaalmadiisa ku aaddan dagaalka Ukraine?

Waa su’aal ay isweydiinayaan qaar ka tirsan mufakiriinta ugu sarreeya dalkaas, kuwaas oo ku cadaadinaya Madaxweyne Emmanuel Macron inuu qaato go’aan degdeg ah oo uu hub dheeraad ah ugu dirayo Kyiv.

Qiimeyn dhowaan la sameeyay ayaa muujinaysa in Faransiiska uu wax ka yar 2% ku leeyahay hubka dibedda uga imanaya Ukraine, halka Maraykanka uu dalkaas ku caawiyay 49% hubka dibedda uga yimaada.

Durbadiiba dalal badan oo ku yaalla Bariga Yurub ayaa walaac ka muujiyay hab-dhaqanka Madaxweyne Macron, oo ay rumaysan yihiin inuu bilihii hore ee dagaalka u janjeeray dhanka hoggaamiyaha Ruushka, Vladimir Putin. Waxaa baahay feker ah in Faransiisku uu weli rumaysan yahay in Ukraine aanay guul ka gaari karin dagaalka.

Dr Pierre Haroche oo ah bare amniga caalamka ka dhiga jaamacadda Queen Mary ee London ayaa tilmaamay in fekerkaas uu yahay mid aan sax ahayn, isla markaana aan lagu saleyn karin sababta keentay in hub tiro yar uu Faransiisku siiyay Ukraine.

Hase yeeshee, waxa uu rumaysan yahay in Faransiiska looga baahan yahay inuu sida ugu dhaqsaha badan sare u qaado hubka uu siiyo Ukraine, si ay dowrkiisa u aaminaan dalalka ku yaalla Bariga Yurub ee uu ku jiro Poland.

“Si aan uga shaqeysiino yoolka Yurub ee ku aaddan iskaashiga, waxaan u baahannahay in aan u muujino dalalka Bariga Yurub in la shaqeynta Faransiiska ay tahay mid muhiim ah oo aan khatar ku keeni doonin,” ayuu yiri Dr Haroche.

Wuxuu kula taliyay Faransiiska inuu dagaalka Ukraine u diro 50 taanki oo ah nooca Leclerc, halka Heisbourg uu doorbidayo hannaanka difaaca hawada oo uu sheegay in Ukraine ay baahi weyn u qabto.