Gudoomiyayaasha Degmooyinka Puntland oo qaarkood tababar uga furmay Qardho

Gudoomiyayaasha Degmooyinka Puntland qaarkood oo tababar uga furmay Qardho.

Shirkaan oo ah kulan Saddex Biloodla ah ee Guddiga sarre ee ALGABAL,ayaa maanta ka qabsoomay magaalada Qardho Xarunta Gobolka karkaar, waxaana kasoo qayb-gallay Xubnaha Guddiga sarre ee Dowladaha hoose Puntland, Agaasimaha Guud Wasaarada arimaha Gudaha iyo marti kale.

Sidoo kale Shirkaan inta uu socdo waxa Guddoomiyasha Degmooyinka lagu tababari doona habka maareynta masiibooyinka dabiiciga ah ee mashruucan Danwadaag kaas oo hada si tijaabo ah uga socda Degmooyinka Garowe iyo Qardho.

Qabsoomida shirkaan, waxaa iska kaashaday
Ururka Dowladdaha hoose Puntland ee ALGABAL iyo Ururka Dowladaha hoose Natherland ee VNG.