Khasaaraha Duufaanta ku dhufatay Maraykanka oo sii badanaya

Wararka ka imaanaya Gobolka Florida ee dalka Maraykanka,ayaa sheegaya in tirada dadka ku dhintay duufaanta la magac baxday Ian ay sii kordheen, waxaana haatan ay tiradaasi maraysaa illaa 51 qof.

Shaqaalaha samatabixinta,ayaa weli ku jira baadi goobka dadka ku hoos jira goobaha ay duufaantu burburisay, gaar ahaan meelaha ay sida xun ugu dhufatay ee ku yaalla dhinaca Koonfur Galbeed ee Gobolka Florida.

Duufaantan ayaa ah, mid ka mida duufaanadii ugu awoodda badnaa ee ku dhufta dalka Maraykanka, waxaana ay sababtay inay dhulka la sinto Guryo badan oo ku yaalla Xeebaha loo dalxiiska tago ee ku yaalla Gobolka Florida.

Deanne Criswell oo ah madaxa hay’adda xaaladaha degdega ah ee Maraykanka,ayaa u sheegtay telefishanka CNN, gaar ahaan barnaamijka “State of the Union” in kooxaha samatabixintu inay haatan ku hawlan yihiin sidii ay u gaari lahaayeen Guri walba oo ku yaalla meelaha ay duufaantu waxyeellaysay, si ay u hubiyaan bedqabka bulshada.

Gobolka Florida, waxaa haatan bilaa koronto ah In ka badan 800,000 oo Guri.