Maxaan kala soconaa khaarajinta Nadiir iyo Ibraahin X.Daahir Aweys?

Xaramka Dukheynta ka dhacday ee lagu dilay Cabdullaahi Yare oo ku magac-dheer Cabdullahi Nadiir iyo will uu Dhalay Xassan Daahir Aweys oo Magaciisa la yiraahdo Dr Ibraahim Xasan Daahir Aweys,waxuu ahaa mid qorshaysan,sida warar lagu kalsoon yahay sheegayaan.

Cabdullahi Nadiir wuxuu ka soo jeeday Beesha Dir,waxaana Xaaskiisa ahayd Sacdiyo Macalin Daahir Aweys oo ay Walaalo yihiin Xasan Daahir Aweys oo horay uu uga dhintay Dayib oo isaguna kasoo jeeday isla Beesha Direed.

Cabdullaahi Nadiir oo loo yaqaan C/llaahi Yare,ayaa xilal kala duwan ka soo qabtay AlShabaab,waxaana madaxiisa Maraykanku dul dhigay $3-Milion oo abaal-marin ah.

Khubarrada amniga,ayaa rumaysan in Cabdullaahi Nadiir uu ahaa “dhaxal-sugaha Al-Shabaab” uuna ka haray raggii aasaasay Ururka.

Sida ilo lagu kalsoonaan karo xaqiijinayaan Wiilka Xasan iyo Nadiir waa wada socdeen,waxaana jiray wada shaqayn ka dhaxaysay.

Waxaa la hayay xogo xasaasiga ah oo ku aadanaa kulankooda iyo wada socodkooda,waana mida keentay in la garaaco.