Maxay Shabaab ku keeni kartaa Geerida Nadiir?

Al-Shabaab waxaa hadda ku socda dagaal ay si wadajir ah u wadaan Ciidamada dowladda iyo dadka deegaannada Hiiraan iyo Galgaduud,waxaana laga saaray deegaanno ay sanado badan ka talinayeen.

Cabdisalaam Guuleed oo mar ahaa taliye ku-xigeenka Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya ee NISA ayaa rumaysan in dilka Cabdullaahi Nadiir uu Al-Shabaab ku soo aaday xilli adag.

“Geeridiisa dhabar-jab ayay ku tahay Al-Shabaab oo hadda wajahaysa culaysyo badan Mas’uuliyadda uu hayay waxaa ka badan isku xirka iyo dhaxtaalka uu ahaa iyo kalsoonida uu ku qabay hoggaanka ururka,” ayuu yiri Cabdisalaan.

Waxa uu intaa raaciyay inay geeridiisa xitaa sababi karto kala qeybsanaan soo dhexgasha Al-Shabaab.

“Markii Al-Shabaab lagu qaaday dagaalkii xoogganaa ee Muqdisho looga saaray ee madaxda ururka ay isugu tageen Baraawe, waxaa dhacday inay su’aalo iska weydiiyaan waxa qaldamay, kaddibna Godane ayaa laayay qaar ka tirsan saraakiishii ugu sarreysay Ururka Maaddaama hadda uu Cabdullaahi Nadiir ka baxay meesha, waxaa dhici karta arrintaas oo kale, oo xitaa ay ururka gudihiisa isku laayaan cidda beddelaysa.”