Wasiirka Beeraha Fadaraalka oo kormeeray Beeraha Garowe

Wasiirka Beeraha Dowladda Puntland & Wasiirka Beeraha DFS,ayaa kormeer shaqo ku tegay xarunta tababarada,wax beerista casriga ah iyo Beeraha kuyaala duleedka Garowe.

Masuuliyiinta ayaa kormeerka ka bilaabay xarunta tababarada iyo wax beerista casriga ah ee (hydroponic system) waxayna u kuurgaleen shaqada ka socota xaruntan oo kutaala Caasimada Puntland ee Garowe.

Masuuliyiintan,ayaa markaa kadib kormeer ku tagey Beeraha ku yaala Deegaanka 22-aad ee Garowe ka xiga dhinaca Bari.

Kormeerkan,ayaa qayb ka ah dardargelinta iyo kor uqaadida wax soosaarka Beeralayda Dalka guud ahaan.