Akhriso: Wasiir Fiqi oo shaqo joojin ku sameeyay Maareeyaha Hay’adda Diiwaangalinta

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS, Axmed Macalin Fiqi ayaa shaqo joojin ku sameeyay Maareeyaha Guud ee Hay’adda Diiwaangalinta iyo Aqoonsiga Dadweynaha Soomaaliyeed Mukhtaar Xuseen Maxamed (Qooraansey).

Mukhtaar Qooraansey ayaa lagu eedeeyay inuu ku fashilmay socod siinta shaqada Hay’adda iyo inuu wada shaqeyn la yeeshay Hay’addaha kale dawladda, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska Wasiir Fiqi.

Hoos ka Akhriso qoraalka shaqo joojinta ah ee kasoo baxay xafiiska Wasiir Fiqi.

Ku: Maareeyaha Guud ee Hay’adda Diiwaangalinta iyo Aqoonsiga Dadweynaha Soomaaliyeed
Ku: Ku xigeenka Maareeyaha Guud ee Hay’adda Diiwaangalinta iyo Aqoonsiga Dadweynaha Soomaaliyeed
Og: Wasir Dowlaha Wasaarada Arrimaha Gudaha, Federalka iyo Dib-u-heshiisiinta.
Og: Wasiir Ku Xigenka Wasaarada Arrimaha Guddaha, Federalka iyo Dib-u-heshiisinta
Og: Ra’iisul Wasaaraha XFS

Ujeeddo: Shaqo ka joojin

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta;

Markuu arkay: Qodobka102aad ee Dastuurka KMG ee JFS.

Markuu Arkay Sharci Lr.30 ee 30 Juun 1984kii ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Markuu arkay: Qodobbadda 8aad iyo 10aad ee Sharciga Hay’adda Diiwaangelinta iyo Aqoonsiga Dadweynaha Soomaaliyeed.

Markuu arkay: Shaqo Xumida Maareeyaha Hay’adda ee kala dhaxaysa Hay’addaha naga caawin lahaa dhaqangelinta Aqoonsiga Dadweynaha,

Markuu arkay: Wada shaqeyn la’aanta joogtada iyo Daahfurnaan la’aanta dhanka shaqada ah ee uu Maareeyuhu caadaystay.

Markuu Arkay in Maareeyuhu Caqabad uu ku yahay Fulinta iyo Dhaqangelinta hawsha Diiwaangalinta iyo Aqoonsiga Dadweynaha oo ka mid ah hawlaha hortabinta u leh XFS.

Markey Cadaatay: in Maareeyuhu uu gacanta kula jiro hawlo ka baxsan hawlihii loo igmaday ee Hay’adda.

Markuu tixgeliyay: baahida loo qabo in la abuuro Jawi ku dhisan wada shaqeyn, Daahfurnaan, isla-xisaabtan iyo in la socodsiiyo, lana dardargeliyo mashruuca Aqoonsiga Dadweynaha.

Wuxuu xeeriyay:

Qodobka 1aad:

Laga bilaabo Maanta oo ay Taariikhdu tahay 04/10/2022 waxaa shaqo ka joojin si ku meelgaar ah loogu sameeyay Maareeyaha Guud ee Hay’adda Diiwaangelinta iyo Aqoonsiga Dadweynaha Soomaaliyeed Mudane: Mukhtaar Xuseen Maxamed (Qooraansey).

Qodobka 2aad:

Waxaa hawlaha Shaqada Hay’adda si kumeelgaar ah usii wadaya Ku xigeenka Maareeyaha Guud ee Hay’adda oo kaashanaya Agaasime Waaxeedyada iyo Shaqaalaha kale ee Hay’adda.

Fulin Wacan

Mudane: Axmed Macallim Fiqi
Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS

IDIL NEWS