Dowlada Uganda oo iska fogaysay hadaladii kasoo yeeray Wiilka Musefeni

Dowladda Uganda ayaa iska fogeysay qoraallada uu soo dhigay bartiisa Twitter-kawiilka Madaxweynaha.

Wasaaradda arrimaha dibadda Uganda, ayaa soo saartey qoraal ay dowladda Uganda isaga bari yeelaysohadal kasoo baxay Lt Gen Muhoozi Kainerugaba, kaasoo ahwiil uu dhalay madaxweynaha, oo ku kaftamay duulaan dalka Kenya lagu qaado, oo uu kusoo qoray bartiisa twitter-ka.

“Waxaan aad u qadarineynaa xiriirka adag ee labada dal” ee aan la leenahay “wadanka dariska ee aan walaalaha nahay” ee Kenya, ayaa lagu sheegtay qoraal maanta oo Talaado ah kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladda Uganda, iyadoo maamulka dowladda uu quud dareynayo in wax walba ay sidoodii hore ahaadaan.

Wasaaradda ayaa cadeysay inaanay ku raacsaneyn hadalada kaftanka macna-darrada ah, ee uu soo saarey curadka Madaxweyne Yoweri Museveni, Lt Gen Muhoozi Kainerugaba, in kasta oo dadka qaar ay sheegeen in loo diyaarinayo inuu beddelo aabbihii, oo 78 jirka ah.

Ma ahan markii ugu horeysay ee qoraaladiisa twitter-ka uu soo dhigo Muhoozi ay keenaan xiisad, laakiin kii ​​ugu dambeeyay ayaa wuxuu ahaa mid aad wax u kala fogeynaya.

Muhoozi ayaa wuxuu kaloo sheegay in ciidamadiisa ay ku qabsan karaan caasimadda Kenya ee magaalada Nairobi ,muddo laba toddobaad gudahood ah.

Wuxuu intaa ku darey in uu “wada hadal gooni ah” la yeeshay aabihiis oo “ku dhawaaqi doono isbeddello balaaran.

Dhaqankiisa, waa Muhooziye, ayaa waxaa hubaal ah inuu dad badan oo isticmaala Internet-ka, uu u noqon doono maaweelo