Jagada RW maka badbaadin kartaa MBS Dacwada loo haysto?

Qareenada dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed bin Salmaan oo dacwado ku wajahaya Mareykanka sababo la xiriira dilkii 2018 ee Jamaal Khaashuqji, ayaa Isniintii maxkamadda u sheegay in xilka ra’iisul wasaare ee loo magacaabay toddobaadkii tegay uu siinayo xasaanad.

Khaashuqji, oo ahaa suxufi u dhashay dalka Sacuudiga oo deganaa Mareykanka, ayaa waxaa qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul ku dhexdilay kadibna meydkiisa jarjaray saraakiil Sacuudiyaan, ayada oo sirdoonka Mareykanka ay rumeysan yihiin in dilka uu amray Maxamed bin Salmaan.

Amiirka waa uu beeniyey inuu amray dilka Khaashuqji, hase yeeshee waxa uu qiray inuu ku dhacay mas’uuliyaddiisa.

Toddobaadkii tegay, aabihiis Boqor Salmaan ayaa u magacaabay ra’iisul wasaaraha Sacuudiga, taasi oo sarkaal Sacuudiyaan ah uu ku macneeyey in rasmi laga dhigay howlihii uu markii horeba qabanayey.

“Dikreetada Boqortooyada shaki kuma jiro inay Amiirka Dhaxal-sugaha ah siineyso xasaanad ku saleysan maqaam,” waxaa sidaas yiri qareenada amiirka oo maxakamadda federaalka Mareykanka ee degmada Washington u gudbiyey codsi ay ku dalbanayaan in kiiska lagu gacan sayro, ayaga oo tusaale usoo qaadanaya kiisas kale oo Mareykanka uu ku aqoonsaday xasaanadda madaxda dalalka shisheeye.

Madaxweynaha Mareykana Joe Biden, oo amiirka kula kulmay Sacuudi Carabiya oo uu booqday bishii July si uu ula yeesho wadahadallo amni iyo kuwa dhanka tamarata ah, ayaa Amiir Maxamed u sheegay inuu rumeysan yahay inuu mas’uul ka ahaa dilka Khaashuqji.

Biden waxa uu sheegay in Maxamed bin Salmaan uu beeniyey inuu wax lug ahaa ku lahaa isaga oo xaqiijiyey in kuwii ku lugta lahaa lala xisaabtamay.

Khaashuqji oo siyaasadaha amiirka ku cambaareyn jiray maqaallo uu ku qoray Washington Post, ayaa qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul u tegay inuu kasoo qaato warqado uu ugu baahnaa inuu guursado Hatice Cengiz, oo ah muwaadin Turkish ah.

Kiiska dacwadda ee yaalla Washington ayaa waxaa diiwaan-geliyey Cengiz iyo koox xuquuqda aadanaha u doodda oo uu aas-aasay Khaashuqji, waxayna dalbanayaan magdhow aan la shaacin oo ka dhan ah ah amiirka.

Waxaa sidoo kale kiiska dacwadda ku jira 20 qof oo kale oo Sacuudiyaan ah oo la eedeysan Maxamed Bin Salmaan.

Dacwadda ayaa Maxamed bin Salmaan iyo kuwa la eedeysan ku eedeyneysa inay fuliyeen shirqoolka “si ay si joogto ah ugu aamusiyaan Khaashuqji” kadib markii ay ka war heleen inuu qorsheeyey in kooxda uu aas-aasay u adeegsado “madal uu ugu ololeeyo isbeddel dimoqraadi iyo sare u qaadidda xuquuqda aadanaha.”

Maxkamadda ayaa weydiisatay Waaxda Caaladda Mareykanka inay muujiso aragtideeda ku aaddan haddii Maxamed Bin Salmaan uu haysto xasaanad, ayadoo u qabatay inay jawaabto kusoo gudbiso kama dambeyso 3-da October.

Kadib markii ra’iisul wasaare loo magacaabay toddobaadkii tegay, Waaxda Caadaaladda ayaa Jimcihii sheegtay inay dooneyso 45 maalmood oo dheeri ah oo ay jawaabto kusoo gudbiso “saabo la xiriira isbeddelada dhacay.”

Isnintii, garsooraha Maxkamadda John D. Bates ayaa ogolaaday codsiga muddo kordhinta, balse wuxuu sheegay in tani ay tahay muddo kordhinta kaliya ee uu ogolaanayo sababo la xiriiro caddeymo xooggan oo aan jirin.

Dowladda Mareykanka waa inay kusoo gudbisaa jawaabteeda kama dambeys 17-ka November ayuu Bates ku yiri go’aanka maxkamadeed.

REUTERS