Jeneralka loo wado hogaaminta Uganda iyo Aragtiyadiisa xiisadaha dhaliya

Shacabka Kenya ee adeegsada barta Twitter,ayaa dhaliilay Sarreeye Guud Muhoozi Kainerugaba, oo ah Wiil uu dhalay Madaxweynaha Uganda, Yoweri Kaguta Museveni, isla markaana hoggaamiya Ciidamada Dhulka ee Dalkaas.

Qoraallo uu soo dhigay barta Twitter,ayaa waxaa ka mid ahaa mid uu ku sheegay in “ciidankiisa ay wax ka yar labo toddobaad ku gaari karaan caasimadda Nairobi.” Arrintaas ayaa waxaa sidoo kale dhaliilay hoggaamiyeyaasha mucaaradka Uganda.

Taliye Muhoozi oo dadka qaar ay ku tilmaamaan ninka loo diyaarinayo hoggaaminta Uganda ayaa marar hore Twitter ku qoray waxyaabo muran badan dhaliyay.

Muxuu ka yiri Soomaaliya?

Mar uu la hadlayay ciidan uu dalkiisa u dirayay Muqdisho bishii Agoosto ee 2021, ayuu taliye Muhoozi sheegay in Soomaaliya iyo Uganda ay yihiin walaalo, ayna badan yihiin waxyaabaha mideeya, waxaana uu ku duceeyay in Alle uu sii xoojiyo midnimadaas.

Uganda waxaa Soomaaliya ka jooga askarta ugu badan ee ka tirsan ciidamada ATMIS. Waxa ay ciidamada Uganda ka howlgalaan qeybta 1-aad oo ka kooban Banaadir (Muqdisho), Shabeellaha hoose iyo Shabeellaha dhexe.

Bil kaddib waxa uu taliye Muhoozi booqasho ku tegay Muqdisho, iyo saldhigyo kale oo ay ciidamada Uganda ku leeyihiin aagga ay ka howlgalaan.

Xiriirkiisa Itoobiya

Jeneraal Muhoozi Kainerugaba ayaa dabayaaqadii bishii Agoosto booqasho ku tegay magaalada Addis Ababa, waxaana halkaas uu kula kulmay raysul wasaare Abiy Axmed oo marar kala duwan uu taageeray cadowgiisa.

Taliyaha oo u muuqday mid aan xeerin siyaasadda arrimaha dibedda ayaa bishii Sebteembar ee sanadkii tegay taageero u muujiyay xoogagga Tigray ee dagaalka kula jira xukuumadda Abiy. Waxa uu Tigray ku tilmaamay walaalihii aan laga guulaysan karin.

Dowladda Uganda ayaa sheegtay in qoraalka taliyaha uu yahay mid u gaar ah oo aanu ku metalin siyaasadda arrimaha dibedda ee dalkaas.

Markii uu Abiy kula kulmay Addis Ababa, Jeneraal Muhoozi ayaa ku tilmaamay walaalkiis uu aad u qaddariyo.

Muxuu ka yiri Colaadda Ukraine?

Jananka ayaa si layaab leh uga hadlay duullaanka uu Ruushka ku qaaday Ukraine.

Muhoozi ayaa tilmaamay in Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, uu ku saxan yahay duullaanka, isla markaana “dadka intooda badan (ee aan Caddaanka ahayn) ay taageersan yihiin duullaanka Ruushka ee Ukraine”.

Waxa uu soo qaatay xasaraddii caalamka haraysay 1962 ee ka dhalatay sawaariiqdii uu Midowgii Soofiyeet geeyay Cuba.

“Markii uu Midowgii Soofiyeet gantaalladiisa nukliyeerka geeyay Cuba 1962, Reer Galbeedku waxa ay diyaar u ahaayeen dagaal lagu hoobto. Hadda marka ay NATO samaysay arrintaas oo kale, ma waxaa Ruushka laga filayaa inuu si kale u xalliyo arrinta?” ayuu bartiisa Twitter ku qoray jeneralka.

Jeneraal Kainerugaba ayaa la saadaalinayaa in loo diyaariyo inuu xilka kala wareego aabbihii Museveni oo 77 jir ah, kaas oo Uganda hoggaaminayay tan iyo sanadkii 1986.

Taliyahan 47 jirka ah ee hoggaamiya ciidanka dhulka ee Uganda ayaa noqday taliyihii ugu horreeyay ee Afrikaan ah ee si shaac-baxsan u taageera duullaanka uu Ruushku ka wado Ukraine.