Mareykanka oo war kasoo saaray dilka dhaxal-sugihii Al-Shabaab

Taliska Ciidanka Mareykanka ee Africa (AFRICOM) ayaa war kasoo saaray duqeyn habeeno kahor ka dhacday gobalka Jubbada dhexe, taas oo lala beegsaday xubno sare oo katirsan kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab.

AFRICOM ayaa xaqiijiyay in dukheynta lagu dilay horjooge ka tirsan Al-Shabaab iyo in aysan jirin dad rayid ah oo ku dhaawacantay ama ku dhimatay.

Taliska Mareykanka ee Afrika,ayaa sheegay in ay qaadeen tillaabooyin aad u wanaagsan si looga hortago waxyeelada rayidka.

“Ilaalinta Dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan,ayaa weli ah qayb muhiim ah oo ka mid ah hawlgallada taliska si kor loogu qaado Afrika ammaan badan oo xasilloon”Ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Taliska.

Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa war ay habeen kahor soo saartay ku sheegtay in duqeymo ka dhacay agagaarka deegaanka Kuunyo-barow lagu dilay Horjooge Cabdullaahi Nadiir oo ahaa madaxa dacwadda ahaana dhaxal-sugihii Amiirka kooxda Al-Shabaab.

Al-Shabaab oo kamid ah shabakadda argagixisada ah ee Al-Qaacida, ayaa ah ururka ugu weyn, ugana halista badan africa. Mareykanka ayaa muujiyay khatarta kooxdan ee danihiisa Mareykanka.

Taliska Mareykanka ee Afrika, oo ay weheliyaan la-hawlgalayaasheeda, ayaa sii wada tillaabooyinka looga hortagayo kooxdan argagaxisada ah, taas oo qorsheysa weerarada ka dhanka ah dadka rayidka ah.

IDIL NEWS