Puntland & Sweden oo ka wada-hadlay Geeddi-socodka Dilmuquraadiyeynta

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa xafiiska ku qaabilay Madax ka socota Safaaradda Sweden iyo Hay’adda Diakonia.

Kulanka oo daba socday kulamo hore oo u dhaxeeyay labada dhinac waxaa looga wada hadlay meesha uu marayo geeddisocodka Dimuqraadiyadda Puntland iyo sidii loo sii xoojin lahaa wadashaqaynta laba dhinac.

Sidoo kale, waxaa kulankaan looga wada hadlay guulaha ay Puntland ka gaartay dhinacyada amniga, dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha iyo baahinta adeegyada aasaasiga ah.

Wadanka Sweden ayaa kamid ah dalalka Soomaaliya, gaar ahaan Puntland ka taageera dhinacyada horumarka, Dimuqraadiyeynta iyo nabad dhisidda dalka.