VIDEO: Wasiirka Caafimaadka Puntland oo ka digay halista Ebola

Shir jaraa’id oo uu ku qabtay xafiiskiisa, Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr. Jaamac Faarax Xasan ayaa uu uga hadlay halista cudurka Ebola ee dib uga soo cusboonaday dalal ay kamid tahay Ugandha.

Wasiir Jaamac Faarax ayaa sheegay in Ebola uu yahay cudur ku faafa taabashada ama dheecaanka labada qof oo is gaara, dhimashana sababa, isagoo ku baaqay in la muujiyo taxadar.

Sidoo kale, Dr. Jaamac Faarax Xasan ayaa xusay in dad badan oo Soomaaliyeed oo reer Puntland ah, ay kunool yihiin dalka Ugandha, kuwaas oo isugu jira ganacsato iyo qoysas, isagoo ka codsaday in aysan u soo dhoofin dalka, haddii ay isku arkaan calaamadaha cudurka.

“Waxaan ku boorinayaa ama ku baraarujinayaa dadka ku nool dalka Uganda in qof kasta oo calaamadaha iskaga shakiya uusan soo dhoofin ilaa laga xaqiijinayo inuusan qabin hadii laga helana laga dawaynayo.”

Wasiirka Caafimaadka Puntland ayaa ugu dambeyn sheegay in hada la marayo marxaladii taxadarka balse hadii xaaladu is badasho talaabada ku haboon ay ka qaadan doonaa ka dawlad ahaan iyo ka xukuumad Puntland ahaanba.

IDIL NEWS