Wasiiro cusub oo lagu dhaariyay Madaxweyne Deni + Sawirro

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa goobjoog ka noqday munaasabadda dhaarinta Wasiiro cusub oo dhowaan uu Madaxweynuhu magacaabay kuwaasi oo maanta si rasmi ah xilkaasi loogu dhaariyay.

Wasiirada cusub oo uu dhaariyay Guddoomiyaha Maxkamadda racfaanka Gobolka Nugaal Cabdiqani Maxamed Nuur, ayaa kala ah Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Maxamed Siciid Maxamed (Faroole) iyo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Mudane Cabdirisaaq Cumar Ismaaciil (Sheikh Aduun.

Madaxweynaha ayaa Wasiirada cusub Alle uga baryay in uu u fududeeyo masuuliyadda, wuxuuna kula dardaarmay in ay sida ugu wanaagsan u gutaan waajibaadka loo igmaday.

IDIL NEWS