Faahfaahin khasaarihii uu Dabkii Xalay ugeystay Suuqa Kismaayo

Dab xooggan oo khasaare lixaad leh gaystay, ayaa xalay bururiyay qeyb kamid ah suuqa wayn ee magaalada Kismaayo.

Dabka oo damintiisu ay saacado qaadatay, ayaa cagta-mariyay ku dhawaad 4-km oo isku wareeg ah.

Hanti badan,ayaa Suuqa Xalay ku bas beeshay.

Dabkan,ayaa waxa uu ka kacay matoor shidaal looga shubayay Booyad.

Dhanka kale ra’iisul wasaaraha Somaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga, waxa uu ku muujiyay sida uu uga xunyahay dhibka soo gaaray Ganacsatada hantidooda ku waayay Dabka.