Mudug masii ahaan karto Aag dagaal oo aan Nololi ka jirin..!!

Mudug ma Aag dagaal oo kaliyaa ?

Mudug ma xaalad deg-deg ah Gobol ay saaran tahay baa?

Ma goob Alshabaab lagula dagaalamo oo xaalad amni looga baahi qabo oo kaliyaa?

Maxaa udiiday Mashaariicda horumarineed ee ka socota Gobolada kale ee Puntland in laga hirgeliyo ?

Bari”

1.Mashruuca Balaarinta iyo dhismayaasha garoonka Diyaaradaha Bosaso.

2.Mashruuca Korontada Bosaso.

3.Mashruuca Biyaha Macaan Bosaso.

4.Mashruuca balaarinta Dekeda.

Karkaar”.

1.Mashruuca Xarunta Ayaxa.

2.Mashruuca Maxjarka.

Nugaal”

1.Mashruuca Wadooyinka.

2.Isbitaalka Garowe.

3.Mashruuca Caafimaadka Damal ee Baanka Aduunka.

Sanaag”

1.Mashruuca Waxbarashada ee Jaamacada Baran.

Haylaand”

1.Mashruuca Jidka Dhahar ee dhawaan la dhagax dhigay.

Bulshada reer Mudug waa dadaaleen oo doorkoodii maalgashi ee Gobolka waa kasoo baxeen.

Sidoo kale ka qaybqaadashada Mashruucyada horumarinta Gobolka door muuqda ayay ka qaateen Shacabka Mudug.

Waxaa maqan doorkii Dowlada oo lagu tilmaami karo meel la ilaaway..!!

Markaad Galkacyo tagto,waxaad arkaysaa Sadex Baabuur oo ay kala wataan Gudoomiyaha,Duqa iyo Booliska.

Sidoo kale Sadex xarumood,ayaa shaqo ka socotaa oo kala ah,Gobolka,Dowlada hoose iyo Booliska.

Dhamaan hay’adihii kale ee Dowlada kuma leh xarumo mana shaqeeyaan Dadka ku magacaaban qaarkoodna waxay kuu sheegayaan in ay curyaamisay Gaadiid iyo Agab la’aan.

Dayaca ugu weyn,waxuu Mudug kaga yimid Xildhibaanada iyo Wasiirada Gobolka kasoo jeeda oo aan Dowlada Dhexe la xisaabtamin ama ka gaabiyay doorkoodii horumarinta Gobolka.

Mudug dib u Eegis bay ubaahatay Madaxweyne..!!

Jibril Qoobey.