Sweden oo xoojinaysa taageerada Dilmuquraadiyadda Puntland + Sawirro

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa xafiiska ku qaabilay Wafti ka socday Safaaradda Sweden.

Ugu horayn Wasiirka ayaa waftiga uga mahadceliyey imaanshiyahooda Puntland iyo muhiimadda ay siiyaan taageerada Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya.

Kulan ayaa waxaa looga wada hadlay sii amba qaadista geeddi socodka Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland, gaar ahaan doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka Degmooyinka.

Dawladda Sweden ayaa kamid ah dalalka Puntland ka taageera arrimaha Dilmuquraadiyeynta, waxaana horey ay dhaqaale xooggan ugu bixisay doorashooyinkii hordhaca ahaa ee lagu qabtay degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn, kuwaas oo shacabku kusoo doorteen Xildhibaanada Golayaasha deegaanka saddex degmo.

IDIL NEWS