Dalalka Shidaalka soo saara oo dhimaya wax soosaarkooda

Dalalka shidaalka soo saara ee ku bahoobay ururka OPEC+ ayaa ku heshiiyey inay yareeyaan shidaalka ay soo saaraan, iyaga oo ku macneeyey inay doonayaan inay wax ka qabtaan qiimaha sabbaynaya ee shidaalka, iyaga oo ku doodaya in tallaabada ay qaadeen ay wax ka tarayso dhaqaalaha dunida ee liita.

Tallaabadan ayaa loo arkaa inay tahay dharbaaxo kale oo xasaasiya, taas oo laga yaabo inay kor u qaado qiimaha shidaalka ee dunida, gaar ahaan dalka Maraykanka oo xilligan isu diyaarinaya doorashada Golaha baarlamaanka.

Wasiirada Shidaalka ee dalalka xubnaha ka ah OPEC ayaa isla qaatay inay dhimaan illaa 2 milyan oo foosto maalintii, shidaalkii la filayey inay soo saaraan bisha November, ka dib markii ay kulan fool-ka-fool ah ku yeesheen caasimadda dalka Austria ee Vienna.

OPEC ayaa sheegtay in go’aankooda ay ku saleeyeen “hubanti la’aanta ku xeeran saadaasha dhaqaalaha ee dunida iyo weliba suuqyada shidaalka”. Wasiirka Tamarta ee Sucuudiga, Abdulaziz bin Salman ayaa carrabka ku adkeeyey in ururkooda ay masuuliyadi ka saaran tahay inuu ilaaliyo xasiloonida suuqyada shidaalka.

“Waxaan halkaan u joognaa inaan ahaano ciidan dhexdhexaad ah, si aan u keeno xasilooni,” ayuu u sheegay suxufiyiinta.

Go’aanka OPEC+ ayaa ka caawin karta dalka Ruushka oo xubin ka ah, inuu xal u helo cunaqabataynta dhaqaale ee ay ku soo rogeen Yurub, maadaama aanay dalalka xubnaha ka ah qaarkood aanay soo saari karin, shidaalka intii laga rabay, arrintaas oo fursad u ah Ruushka.

Xoghayaha warfaafinta ee Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalka Maraykanka ayaa sheegtay in madaxweyne Joe Biden inuu ku tilmaamay go’aanka OPEC+ inuu yahay “aragti gaaban, halka dhaqaalaha adduunku uu la tacaalayo saamaynta xun ee ka dhalatay duulaanka uu Madaxweyne Putin ku qaaday dalka Ukraine.

“Hadalka maanta ka soo yeedhay OPEC + wuxuu markhaati u yahay inay la jaanqaadayaan dalka Ruushka” ayay tidhi Karine Jean-Pierre.

Wasiirka Tamarta ee dalka Sucuudiga oo wax laga weydiiyey, falcelinta ka timi Maraykanka ama in go’aanka OPEC uu caawinayo dalka Ruushka, ayaa diiday inuu su’aalahaas ka jawaabo, balse wuxuu sheegay in doodaha ay yeesheen inay ahaayeen kuwo aan siyaasad la xiriirin.