Madaxweyne Deni oo ka tacsiyeeyay geerida Gen. Dudde

Madaxweynaha Dawladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka tacsiyeeyay Taliyihii hore ee Hay’adda Sirdoonka Puntland Gen. Cabdullaahi Aadane Dudde, oo ku geeriyooday dalka Holland.

War kasoo baxay Madaxweyne Siciid Deni ayaa lagu sheegay in Gen. Dudde oo xilal kala duwan kasoo qabtay Soomaaliya uu ahaa sarkaal u soo shaqeeyay dalka iyo dadka.

“Alle ha u naxariisto Gen. Cabdullaahi Aaden Dudde Taliyihii hore ee Hay’adda Nabad Sugidda Puntland oo ku geeriyooday Dalka Holland, wuxuu ahaa Sarkaal usoo shaqeeyay dalka iyo dadka oo xilal xildhibaanimo iyo mid sarkaalnimo kasoo qabtay Soomaaliya.”

“Geeridiisa waxaan uga tacsiyeeynaya Shacabka, Saraakiisha Ciidamada Dowladda, eheladii iyo qoyskii uu marxuumku ka geeriyooday, Waxaan alle uga baryayaa in uu janadii geeyo, Aamiin.”

IDIL NEWS