Puntland oo horay ugu dhaqaaqday dhamaystirka Dimuqraadiyada

37-Degmo oo Doorashooyinka lagu qabanayo,ayaa Golaha Wasiirada Puntland ansixiyeen.

Sidoo kale Gudiga Doorashooyinka,ayaa lagu wareejiyay Degmooyinkaas si rasmi ah.

Waxaa xusid mudan in Degmooyinkaas loo dhamaystiray Soohdimahoodii.

3-Degmo,ayaa horay looga hirgeliyay Dimuqraadiyaynta marka lagu daro 37-dan ,waxay isku noqonayaan 40-Degmo.

Guud ahaan Puntland waa 52-Degmo hadii 40-ka mid ah laga hirgeliyo Doorashooyinka waa guul weyn oo la gaaray.

12-ka Degmo ee harsan markii la tixgeliyo duruufaha jira dib waa loo dhigan karaa.

Muhiimada waa in la helo Sadex Xisbi oo jaangooya Siyaasada Puntland loogana gudbo saamaynta Qabiilka ee Qaawan.

Puntland Wadadii guusha ayay qaaday.

Jibril Qoobey.