Xukuumada Abiy oo loo xalaalaynayo Xukunka

Xisbiga Barwaaqo oo ah midka talada dalka Itoobiya haya islamarkaana ku guuleystay Codka Aqlabiyada Shacabka,ayaa Shirweyne lagu sameynayo qaab dhismeedka Xisbiga ku qabsanaya Magaalada Jigjiga.

Horaantii Bishan ayey aheyd markii Gudiga Doorashooyinka  Qaranka Itoobiya ay waxba kama jiraan ka dhigeen Shirweynihii hore ee Xisbiga Barwaaqo ee lagu dhisay Gudida Fulinta iyo Golaha Dhexe ee Xisbiga kasoo Abiy Axmed loogu doortay Gudoomiye,isla markaana Demeke Mekonen iyo Aadan Faarax loogu doortay Gudomiye ku-xigeenada dhanka Maamulka iyo dhanka Arimaha Xisbiga.

Gudida doorashada Dalka Itoobiya,ayaa usababeeyay diidmada natiijada isdaba marin,mad-madow dhanka xulashada ah iyo in musharixiintu ahaayeen shir Gudoonka.

Gudiga Doorashada,ayaa uqabtay Xisbiga Barwaaqo in uu ku qabsado 3-bioodl gudahood Shirweyne hufan.

Diidmada Gudida ee qaab dhismeedka Xisbiga Barwaaqo, ayaa ah caqabad kale oo Abiy soo foodsaartay.

Gudomiyaha Gudiga Doorashada Qaranka Itoobiya Marwo Burtukan Medheska oo kasoo jeeda Qowmiyada Amxaarada,ayuusan fiicnayn xirirka kala dhexeeya Dowlada Abiy.

IDILNEWS-Jigjiga.