Ciidamada Liyuu Booliska oo shaaciyay Magacyada Xubnaha AS Ee ay hawlgalada ku dileen

Ciidanka Deegaanka Somalida Itoobiya,ayaa shaaciyey magacyada Saraakisha AS ee ay ku dileen hawlgaladii Aaga Yeed,Qudhacle iyo Rabdhure.

Magacyada Horjoogayaashii ugu sareeyay argagixisada Al-Shabaab ee dagaalki 2-da Cisho ee lasoo dhaafay ay ku dileen Ciidamada gaarka ah ee Dowlad Deegaanka Somalida,ayaa kala ah…

1.Aaden Madoobe xubin sare oo katirsan Argagixisada.

  1. Salaxuddin oo ah sarkaal sare iyo hogaamiyaha kooxda argagixisada ah ee dhaq-dhaqaaqyada degdega ah.
  2. Axmed Dheere (Ku-xigeenka Abuu Zubeer oo u xilsaaran Garabka Itoobiya ee Argagaxisada).
  3. Sheikh Mohammed Khayr Salad (Taliyaha kooxda argagixisada ah ee aagga Bokool ee Soomaaliya).
  4. Mohammed Hussain Gumou (oo loo yaqaan Hussain Ethiopia), hogaamiyaha sare ee kooxda gurmadka dag dag ah ee argagixisada.
  5. Mohammad Driye Hogaamiyaha sare oo katirsan As.
  6. C/raxmaan Xaaji Sarkaalka dhanka sharciga, qorista iyo wacyigelinta ee kooxda argagixisada ah
  7. Xasan Mukhtaar Hogaamiye sare oo dhawaan ku dhaawacmay dagaal ka dhacay Ceelbarde balse hada la dilay.
  8. Ali Mesira oo katirsan maamulka sare
  9. Abdrisaaq Maxamed Cabdiraxmaan oo loo yaqaan Aka Sendheere, oo ah sarkaal sare oo ka tirsan kooxda argagixisada ah.

11.Maxamed Ilbad oo ka tirsan maamulka sare AS.

Jibril Qoobey.