Gudiga Doorashada Itoobiya oo markale ka hor yimid qorshaha Abiy

Shirkii Xisbiga Barwaaqo ee qorshaysnaa in uu ka qabsoomo Jig-jiga,ayaa fashilmsy.

Marwo Bertukan Medheksa,ayaa ganafka ku dhufatay Shirka Jig-jiga,iyadoo usheegtay in uusan noqon karin Shirweyne Xisbi.

“Ma aqoonsaneyno natiijo walba oo kasoo baxda Shirka Jig-jiga,waxaa loo baahan yahay sida sharciga ah 10-kun oo Ergo in ay ka qeybgalaan Shirweynayaasha Xisbiyada lagu dhisayo qaab dhismeedkooda” Ayay tiri Bertukan.

Marwo Bertukan oo khadka Taleefoonka kula hadashay RW Abiy,ayaa ku tiri”Hogaaminta Deegaanada Dalka iyo Golaha Wasiirada Qaranka kulan ay iskugu yimaadeen ma noqon karo Shirweyne Xisbi”.

Abiy,ayaa wada hadalkooda kadib Ajandihii Shirka ubadalay kawada xaajoodka xaalada Dalka iyo qiimeynta waxqabadka Rubaca 1aad ee SM 2015 T.I.

Ka hor imaadka Shirka Jig-jiga uu Gudiga Doorashadu ka hor yimid,waxay ilo xog ogaal ah xaqiijinayaan in ay ka danbeeyaan Xubno sare oo isla Xisbiga PP ku jira Golihiisa Dhexe iyo kan fulinta,,kuwaasoo kala ah…

1.Agenyew Teshager Afhayeenka Golaha Federeeshinka Itoobiya.

2.Madaxweynaha Deegaanka Amxaarada Dr Yileqal Kifale.

Waa dharbaaxo kale oo Abiy ku dhacday lana saadaalin karin in uu kasoo kaban doono.

Jibril Qoobey.