Maxaa hor taagan in la sameeyo Laan Gacanta ku qabata Amniga Garoomada,Dekadaha iyo Baraha Kastamyada Puntland?

Puntland way ubaahan tahay hay’ad ah “Customs Security”.

Inkastoo ay tahay hay’ad heer Fadaraal ah hadana,waxaa la dhisi karaa mid heer Puntland oo mustaqbalka la hawlgasha tan Fadaraalka.

Garoonka Bosaso,waxaa Gacanta ku haya Ciidanka Badda oo baara Dadka iyo Alaabta.

Dekeda Bosaso,waxaa Gacanta ku haya oo baara Ciidanka Booliska.

Garoonka Diyaaradaha Garowe,waxaa Gacanta ku haya oo baara Ciidanka Booliska.

Garoonka Diyaaradaha Gaalkacyo,waxaa Gacanta ku haya Ciidamada Daraawiishta.

Dekeda Garacad,waxaa Gacanta ku haya Ciidamo gaar ah oo Shirkada Wadaagsin ah.

Waa la midayn karaa dhamaantood?

Hal hay’ad,ayaa laga wada dhigi karaa Ciidamada Garoomada,Dekadaha iyo Xuduudaha Puntland jooga.

Waxaa loo samayn karaa…

B.Magac ugaar ah.
T. Loogo ugaar ah.
J.Dhar ugaar ah.
X.Xarun ugaar ah.
Kh.Awood dheeriyana waa lasiin karaa.

Shaqada ay qabanayaan?

1.Hubinta waxa soo galaya Puntland iyo waxa ka baxaya.

2: Amniga iyo bad qabka Rakaabka iyo badeecadaha ukala goosha gudaha Puntland.

3.Isku xirka iyo xogsiinta laamaha kale ee Puntland.

Faa’idada laga helayo?

1.Kobcinta iyo kor uqaadista dhaqaalaha Puntland.

2.Dalxiiska oo damaanad amni hela.

3.Maalgashiga oo dhiirigelin hela.

4.Bilicda iyo Quruxda Puntland oo kor ukacda.

5.Hanaanka Puntland ka jira oo noqda mid caalamka la jaan qaada.

Waxba ma hor taagna in la sameeyo Laan Gacanta ku qabata Amniga Garoomada,Dekadaha iyo Baraha Kastamyada.

Ku dhiirasho baahi muhiim ah oo taagan.

Jibtil Qoobey.