Ra’isalwasaare Abiy oo jigiiga uga qaybgalaya Shirka Xisbigiisa PP

Raisul wasaare Abiyi Axmad oo jigiiga soo gaaray

Raisulwasaraha Dowlada Itoobiya Abiy Axmad Cali iyo wafti uu hogaaminaayo,ayaa soo gaaray magaalada Jigjiga ee Caasimada Dawlada Deegaanka Somalida.

Waftiga Raysul wasaaraha waxaa ka mid ah Raisulwasare ku xigeenka Dalka ahna Wasiirka Arimaha Dibada Dhamaqe Mokonin Xasan iyo Madaxwayne ku xigeenka Xisbiga Barwaaqo Aadan Faarax.

Raisulwasare Abiyi,ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Garaad wil waal ku soodhaweeyay madaxwaynada DDS mudane Mustafe Muxumad Cumar.

Caasimada Dawlada Deegaanka Somalida ee Jigjiga,ayaa marti galinaysa shirka Golaha Fulinta ee Xisbiga Barwaaqo, oo markii ugu horaysay lagu qabanaayo meel ka baxsan Caasimada Dalka ee Addis Ababa.

Shirka,ayaa ka dhacaya Tuulada Lafa-ciise oo ah Dhul Beereed qurxoon.