VIDEO: Senator Gaagaab “Midnimo la,aanteena yay wax nooga maqan yihiin”

Senator Maxamed Yuusuf Gaagaab, ayaa sheegay in dadka reer Puntland waxa uga maqan dawladda Federaalka Soomaaliya, ay uga maqan yihiin isku duubni la,aanta ka dhex jirta.

Gaagaab ayaa xusay in dad kunool deegaannada Puntland uu soo dhexgalay tafaraaruq weyn, ayna la kala jirsadeen dhinacyo kala duwan, sida DFS iyo Dawladda Puntland.

“Tiirkeena gaarka ah waa Puntland hoggankeeda aan ilaashano Soomaaliya way saxmi doontaa, lamid ma nahin meelaha kale Puntland waa meesha kaliya ay ka socdaan mashaariic hormarin waxa inaga maqan waxay inooga maqan yihiin inaga darteen iyo aragtideena oo kale duwan.” ayuu yiri Senator Gaagaab.

Waxaa uu ugu baaqay shacabka Puntland inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirkooda.

IDIL NEWS