Doorashooyinka qof iyo codka ah ee degmooyinka Puntland la qabanayo April-2023

Guddoomiyaha Guddiga KMG ee Doorashooyinka Puntland, Cabdirisaaq Axmed Siciid ayaa sheegay inay doorashada qof iyo codka ah ee degmooyinka harray qaban doonaan kahor bisha April ee sannadka soo socda ee 2023.

Wareysi uu siiyay BBC-da ayuu xusay Guddoomiye Cabdirisaaq Axmed in la siiyay in ilaa bisha June ee sannadka soo socda ku qabtaan doorashooyinka, balse aysan iyagu waqti intaa dhan u baahneyn, ayna kahor soo gaba-gabeyn doonaan.

Sidoo kale, Guddoomiyaha TPEC ayaa sheegay in bishan October ilaa bisha November, ay soo dhameyn doonaan asteynta Seejooyinka la dhigayo sanduukhda codbixin, ayna bilaabi doonaan diiwaangelinta codbixiyayaasha.

Waxaa uu tilmaamay in dhaqaalaha lagu galayo doorashooyinka oo ka kala imaanaya Xukuumadda Puntland iyo Beesha Caalamka, uu qeybtii soo gaaray, ayna filayaan inta kale in lagu soo shubo akoonka.

Hadalka Guddoomiyaha Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland ayaa imaanaya xilli khamiistii ay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland sheegtay inay 37 degmo oo cusub lagu qabanayo doorashooyinka qof iyo codka ah ee golayaasha deegaanka.

Puntland ayaa horrey uga qabatay doorashooyin hordhac ah degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn bishii October-2021, kuwaas oo dadka shacabka ah ay 24 sano kaddib aasaaskii Puntland kusoo doorteen xubnaha ku mataya Golayaasha deegaanka saddexda degmo.

IDIL NEWS